Monday, September 9, 2013
China oo baroosinka soo dhigaatay
Maxaa xigi doonaa heshiiskaani ka dib, mar haddi ay maanta magaalada Muqdisho yimaadeen safiirka China u fadhiya magaalada Nairoobi, sidoo kale aynu ognahay in wasiirka arimaha dibedda Soomaliya safar ku tegtay bishii hore waddanka China. Intee ayuu la ekaan doonaa xiriirka labada dal, miyuu u la mid noqon doonaa sida dawladii hore ee Soomalia ee hogaanka u haayeey marxuun Maxamed Siyaad Barre.
Mise way gaabsan doonaan iyagoo isha ku hayn doonaa sida reer galbeedku ay ka damacsan yihiin Soomalia. Hadaynu isku deyno in su'aalahaani oo dhan ka jawaabo anigoo soo koobaayo inta aan aqoonta u leeyahaay, waxaa jirta in dawladda China iyo Soomalia uu ka dhexeeyeey xiriir dheer oo qoto dheer leh soona maraay heerar kala duuwan iyo China oo aad u daneysaa Afrika iyo qeyraadka Ilaah ku maneystaay, maxaa waxaan u arkaa in China aysan cidna ugu heybesaneyn in Soomaliya ay gacanta la soo gasho ha noqota dib u dhiska iyo shidaal baarista.
Laakin taasi oo ay ka careysiin doonto dawladaha la isku yiraahdo beesha caalanka oo lugooyo ku filan ku hayaa somaaliya 23 sano ugu dambeyey iyagoo mar walba marxalad soo gaarsiiyeey, haddani taasi China ku noqon meyso niyad jab maxaa yeelaay dhoor wadan Afrikan sidaan oo kale reer Galbeedku u dhibaateeyeen ayuu ka dul qaaday dulligii ay ku jireen isagoo baroosin soo dhigtay.
Markaa tani waa la mid China baroosin ayeey soo dhigatay magaalada Muqdisho mar haddi Guddoomiye Tarsan ugu deqaay dhul ay ka dhigtaan safaarad micnaheedu waxa waye waan soo degnaay ee reer galbeed candhuufadiina dib u liqa.
Tuesday, August 27, 2013
Waa maxay xayiradda Axmed Nuur Jimcaale, yaase ka dambeeya ?
Axmed Nuur Jimcaale waa nin mudan wanaag sharaf in uu dunida maanta aan joogno uu kugu noolado, wax qabadkiisa ee uu bulshada Soomaliyeed u soo qabtay ilaa iyo hadeer uu u haayo ma ahaan wax aan qoraal ku soo koobi karno.
Sida aad Ogsoontihiin wuxuu wax badan ka soo qabtay xawaalidihii dalka ka jiray iyo waqtigii dhibaatada ka jirtay dalkeena uu soo taagnaa sidii bulshada loo meel ay joogto loo gaarsiin lahaa adeeg wanaagsan oo aminaad ku jirto.
Wax qeyb kama uusan qaadan dagalladii sokeeye maxaa yeelaay haddi uu ku lug lahaan lahaa horumarka uu maanta garay weligii ma soo gareen, markaa aan dib ugu soo laabto su'asha aheyd yaa ka dambeyaa ciriirigan la geliyeey Axmed Nuur ?
Dunida maanta aan joogno waa duni ku saleysan bood iyo dhac midka xoogga badani uu boobo ama dhac u keesto midka tabarta yar, midka kugula jira tartan xagga maalka ama wax soo saarka isku dayo in uu ku hor istaago si aadan ugu fiicaan, waxaan oran karaa arimahaasi ayeey ku saleysan yihiin, takoorka lagu sameeyo iyo in la xanibo maalkiisa iyo naftiisa loo diido dhaq dhaqaaq xitaa uu ku tago xaramka hadii uu doono.
Marka yaa loo eedeynayaa arintaasi waa wax iska cad oo aan u bahneyn cadeemo, xawaaladihii waqtigaas jiraay ayaa door weyn ka ciyaaray in Axmed Nuur la geliyo liis dadka taageera argagixisa maxaa yeelaay dadka inta badan xoolaha ama saamiga ku lahaa shirkaasi waxaay ahaayeen dad culumaa'u diin Soomaaliyeed kuwaas oo lagu faquuqaayi aqoonta aay diinta Islaamku u lahayeeen loona diidanaa in dalka Soomaaliya ka noqdaan hormuud ilaa maanta aan joogno waa socdaa dagaalka diiniga ah ee looga soo horjeedo umadda Islaamka, laakin ilaa gormuu socon doontaa waaye su'aasha ? kuwa waqtiga badan ku bixiya is hortaagista Islaamka ilaa gormaay sii wadi doonaa howshaasi iyagoo kaashanaaya madax wadamo Islaam ka tirsan ama shaqsiyaad loo soo caleemo saraay dimoqraadiyiin.
Waxaan rajeynayaa in xaqiiqda dhabta ahi soo bixi doonta Axmed Nuur ilaa hadeer loo heyn wax cadeymo ah, marka laga reebo qaabka uu u labisto ama sunnnada ka muuqata ayaa loo cunaqabteynayaa, laakin Ilaah ayaa wax cunaqabteyn kara bani'aadam waxba ma cunaqabteyn karo.
Intaas ku soo gaba gabeynayaa qoraalkeyga.
Tuesday, August 20, 2013
Safarka Wasiirka Arimaha Dibedda ee Shiinaha
Safarka wasiirka arimaha dibedda ee Soomaliya ku tegtay waddanka Shiinaha ayaa la iska weydiinaa su'aalo badan, inkastoo casumaad rasmi ah ka heshay dhigeeda dalka Shiinaha.
Sida wararku lagu helaayo ayaa sheegaaya in ay safarkeeda ku saleysan tahay sidii dawladda Shiinaha u dhameystiri leheyd mashaaricyadii ka wadaay dalka Soomaliya ka hor burburkii dagaalada sokeeye.
Laakin taasi waxaa sii dheer oo meeshu ka maqneyn in dawladda Soomaliya aay weydiisan doonto in Shiinuhu ka qeyb qaataan dib u dhiska iyo sugidda amniga dalka Soomaliya iyo weliba sidii dawladda Shiinaha iyo ganacsatada u maal gashan lahayeen dalka Soomaaliya.
Markaa taasi waxay ka xanajin doontaa dawladaha reer galbeedka ee hadeer loolanka ugu jira sidii mar ay gacanta ugu dhigi lahayeen qeeraadka dalka Soomaliya, oo laga yaabo in ay soo dardar geliyaan loolankooda inta uusan Shiinuhu baroosinta soo dhigan cariga Soomaliya inkastoo qeebo ka mid ah dalka ka fuliyeen mashariic guryeen iyo wixii la mid ah.
Sida aynu ogsoon nahay dawladda Shiinaha in ay maalgelin baahsan ku sameeyeen dalal badan oo Afrika ka mid ah, taasi ay madaxda Afrikaan aad ula dhaceen ka dib markii ay arkeen in Shiinaha uusan faraha la gelin siyaasaddooda gudaha horumarinta dalalkooda qeyb ka qaatay.
Dawladda Soomaliya ayaa ilaa iyo hadeer ku wareersan siyaasadda reer galbeed ee loo kala dhumaanayo sida maamulada gobolka ka jira ee kulamo qarsoodi ku qaata Nairobi, ayaa waxba ka qaban ilaa iyo hadeer in ay dhaliilo soo jeediyaan mooyee marka laga reebo dawladaha Turkiga iyo Japan.
Ahmed Madoobe iyo Dowladda Soomaaliya
Wada Hadalka Dowladda Soomaaliya iyo Axmed Madoobe, ayaa waxaa ku saleysan yahaay labo kooxood oo liddi isku ah sida ay dawladaha deriska u qorshooyeen, taas oo ah in lagu wiiqo awoodda dawladda Federalka la garab dhibo awood hogaamiye kooxeed marna shaar diimeed qaataay haddana shaar qabiil huwan. Sida aan dhameynteenu ka war haayno gobolka Jubbada Hoose waa meel ay beelo badan wada degan ha ku soo kala horeyeen, laakin laakin waxaan taarikhdu ku cad in Axmed Madoobe uusan u dhalan degaankasi laakin beeshiisu degto meelo ka mid. Anigoo cidda ka been shegeynin waan xasuustaa xilligii beeshiisa laga soo daad gureyeey gobolka ismaamulka Soomaliya ee Itoobiya 1974 ee abaartii daba dheer, qofkii berigaa joogaay ayaa ka marqaati ah. Anagoo intaasi oo dhan ogsoon ayaa maanta dawladaha deriska isticmaalayaan aaladda qabiilka oo ah mid aad ugu weyn bulshada Soomaliyeed dhexdeeda, waxaa tusaale inoogu filan gudoomiye Faroole ee Puntland oo afka ka xumbeynaayo iyo xumaanta ka muuqata, iyo taageerada uu siinaayo Axmed Madoobe oo maanta dani isku keentaay, maxaa yeelaay gudoomiye Faroole wuxuu ka mid ahaa dadkii dhoofin jirey beesha Axmed Madoobe una gacan gelin jireey Taliskii Meles ee Itoobiya sanadihii tegaay. Axmed Madoobe oo ku andacoonaaya in uu dhulka ka xureystaay Al-shabaab waa arin lagu qoslo Al-shabaab waa kooxdii uu ka tirsanaa inta aysan iksu qabsan dhaqaalihii Dekedda iyo Airporka iyo dawladda Kenya oo aan ogsoonahaay in ay dhibaato faraha la soo gashaay ka dib nabadii iyo xasiloonidii ay ku jirtaay muddo dheer ka dib markii xurnimada ka heshaay isticmaarka. Waxaa kale oo aan ogsoonahaay shirqoolka lala damacsan yahay umadda Soomaliyeed oo mar walba ay hormuud ka yihiin kooxo isku sheego siyaasiyiin laakin caado qaateyaal ah iyo qorshaha Kenya ee dulaankeeda cad ku soo qaaday kuna adkeysaneysa in aysan ka baxeynin konfurta Soomaliya ilaa ay ka gaarto hamigeeda ahaa in ay shidaal ka qodo dhul badeedka jubboyinka iyo dhulka Soomalida ka maqan ee NFD, iyadoo mar marsiyo ugu dhigataay Labadii gebdhood ee lagu af duubay xeryaha Dhadhaab ee ay ka dambeyeey ciidamada Nabad Sugidda ee Kenya. Marka waa maxaay waxa uu rabo Axmed Madoobe ee ka maqan mar hadii uusan ku dhalan gabolka uuna ka yihim Soomali Galbeed mise dhise qeybtiisa beel ahaan ayuu ka waayeey Soomali Galbeed oo uu rabaa meel uu ka taliyo, mise iloowsan yahaay waxaani in ay yihiin sheego gaaban mar dhow dhamaan doonto marka ciidama qaranaka Soomaaliya loo soo taba baro 20,000 askari ay la wareegi doonaan amaanka iyo xasilinta dalka oo dhan Axmed waaxaa iga dar daran ah dhulkii waad xulufisaay oo dhuxushii gubtaay shacabkana ha xulufin oo ciidamada Kenya dhaqaale badan ku sii joogan ma leh, wadamadii wax bixiya sawir ku filan way heystaan.
Waa maxay shaqada Hey'adda UNDP
Sida aynu ogsonahay marka dhegaheynu ku soo dhacaaan (United Nations) ama hey'ado la mid ah in ay yihiin kuwo ka shaqeeyna nabadeynta iyo dib u dhiska dalalka dagaladu afeeyeen. Laakin markan markaan arintu way ka duuwan tahay sidii hore, beryahaan dambe wixii ka dambeyeey New World Order waxaad mooda in hey'adihii United Nation isku bedeleen kuwo la safan waddamo ama kooxo dan gaar ka leh hadba goobta ay markaas ka howl galayaan.
Sida sawirkaan inoogu muuqdo jidkani waa jidka isku jira Km4 iyo Adan Abdulle International Airport, jidkaani mar dhow ayaa lagu gooyeey dhagaxaan shubka ah muddo ka dib markii werar lagu qaaday xafiiska UNPD ku leedahay agagaarka garoonka diyaarada ee Muqdisho.
Arintaan ayaa timid markii dawladda aan walalaha nahay ee Turkigu damceen in ay dayac tiraan jidkaan laga soo bilaabo Baar Shabeele ilaa gegida dayuuradaha Adan Abdulle, oo ka bilaabaay qodis laakin maalintii xigtaay ayaa ciidamada Amison iyo howl wadenno ka socda hey'addasi soo dhigeen dhagxaantani.
Taasi maxaynu u fasiran karaan arin liddi ku ah dib u dhisidda caasimadda Muqdisho iyo jidadkeeda mise ka hor istaagis dowladda Turkiga hawsha ay ka waddo guud ahaan dalka Soomaaliya.
Waa maxaay sababtu keentaay in lagu soo beego goorta la damcay in jidkaasi la dhiso ? UN iyo Amison daacad ma ka yihiin howl galka ay ka wadaan Soomaliya mise waa mid lagu wiiqaayo dawlaaddani maanta inoo curutay.
Haddi su'aalaahi aan ka jawaabno maxaa inooga soo baxaayaa halkaasi, in cidna inoo maqneyn ceelna inoo qodneyn, markaa Soomaliyeey hurdada ka toosa intaad fadhi ku dirirka ku maqan tihiin dalkiina waa lagu maqan yahaay.
Thursday, August 1, 2013
Weerarada ku soo kordhay caasimadda Muqdisho oo laga shakisan yahay
Sida inoo muuqata beryahaan dambe waxaa soo kordhay dilalkii qorsheysnaa. taasi oo ay sii dheertahaay baalooyiinkii ku shaqeynaayeey cad-ceedda ayaa la qarxinaa, weerarkii ugu dambeyeey wuxuu dhacaay maanta oo taariikhdu tahaay 08/01/2013 jidka Maka al Mukarama, oo ah meel aay aad amaankeedu u sugayaan ciidamada dowladda.
Jidka sida aad ogsoon tihiin waxaa aad u isticmaalaa madax dawladda, qaraxii ugu horeyeey wuxuu dhacay abaarihii 5:00 subaxnimo ilaah ayaa ka bad-baadiyeey shicibka oo xoogaa dhawac yar yar ay labo qofood ka soo gaareen. Laakin saacado ka dib ayaa waxaa isla dariiqaasi lagu arkay dhowr shey oo ah waxyaabaha qarxa, kuwaas oo markii dambe ciidamada Amison ay ku guuleysteen in aay ka furaan walxaahaasi qarxi ka dibna qarxiyeey si nabad ah.
Su'aasha meesha taala ayaa waxaa ah qalabkaan loo isticmaalaay oo ah qalab ku cusub ee loo adegsado qaraxyada iyadoo lagu dhejieey baaalaha leerka cad-ceeddu lehna bir lab ama (kalamiinto) si fudud ugu dhegeysaa birta, iyo goobta oo ah meel aad iyo aad amaan u ah markaa xoogaa shaki ayaa jira oo ah in aay meeshu shabaab soo gari garaan oo wax ku dhegin karaan iyo qalabkaa casri cidda siisaay ee waa qalab diyaarsan oo ma ahan sida qaraxyada ay guryaha ku diyaariyaan oo mararka qaar uu iyaga naftooda galaafsado.
Miyeey kula tahaay in rag ka tirsan ciidanka aay gacan ka geystaan fulinta hoowshaasi, mise raggi masu'uuliyiinta ahaa ee kol dhoweyd waayeey jagooyinkii amniga ay haayeen, mise shirkadaha korontada oo iyagu meeshu ka maqneyn oo doonayaa in ay igu shidaan korontada magaalada muqdisho oo dhan.
Haddii aynu tixraacno hadalkii dhowaan ka soo yeeraay guddomiyaha barlamaanka ee Turkiga in ay gacmo shisheeye aan ka marneyn abaabulka al shabaab taasi ma suurto gal baa in afka laga yiraahdo Soomaliya dib u dhis ha lagu sameeyo halka kalena lugooyo (sabotage) lagu haayo horumarka ay ku talabsatay caasimadda Muqdisho.
Wednesday, July 31, 2013
Dawladda Turkiga oo doonayaa in loo gacan geliyo kuwii soo maleegay weerarkii Safaaradooda
Sida aaynu ogsoonahay waxaa maalmaha fodda nagu soo haayaa ku soo wajahan magaalada Muqdisho wafti heer sare oo isugu jira saraakiil amaan, golaha wasiirada ee dalka Turkiga oo ah xaqiiqo raadin sida weerarka u dhacaay iyo cidda soo maleegtaay. Taasi waxay ina tuseysaa in dawladda Turkiga iyo shacabkuba aysan raali aheyn dal iyo dad ay u soo gurmadeen in lagu dhibaateeyo, si taasi aysan mar dambe u dhicin ayeey marka hore rabaan damaanad amniga shaqaalaha gargaarka iyo kuwa safaaradda.
Arinta kale ee ay doonayaan ayaa ah in ay ugaarsadaan kuwii soo maleegaay weerarkaasi meel kasta ay joogaan ugu tagaan si sharciga loo horkeeno, haddi arinkaani sax noqdo waxaa soo dedejin doonta jirintaanka dhagar qabayaasha dhibaatada ku haaya shicibka Soomaliyeed, marka ay arintu noqota in ay boorsooyinkooda ka xir xirtaan intaan loogu imaan meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan.
Sida aad ogsoontihiin dawladda Turkiga waxay ka mid tahay xulufada (NATO) taasi ayaa u sahli doonto in dhinaca wardoonka ay dawlado badan ay isku xulufo yihiin gacan siiyaan sidii loo soo qaban lahaa madaxda nabad diidka loona burburiyo haraadigooda. Marka annaga maxaa inala haboon ka shicib ahaan iyo dawladda ahaan in aan garab istaagno hiil iyo hooba walaalaheena Turkiga inoo soo gurmadaay markii aaynu beerka dhulka ku heynaay abaaro darteed adunka intiisa kalena dhabarka naga sii jeediyeey, dadkani dhagar qabayaasha dagaal afka iyo addinba ku qaadno si heeryahooda la iskaga xureeyo, annagoo ogsoon in aan xaq u leenahay in aan nabad ku noolaano ayaaheena ka tashaano.
Thursday, July 25, 2013
Wa Kuma Madaxweyne Xasan Sheikh ?
Runtii wax badan ka faaloon maayo waqtigii tegaay, laakin waxaa iigu hubaal ah aan ogsoonaahay idinkuna ka war heysaan in uu yahay nin u soo joogaay xilligii waddanku ku jiraay dhibaatada, dagaalada sokeeye iyo abaaraha.
Aniga runtii aqoon shaqsi uma lihi laakin waa nin ay ka muuqato daacadnimo diyaar u ah in umadda Soomaaliyeed wax u qabto haddi Ebbe la garab galo. Markaa waxaan walaalayaan aan rabaa in aan qoraalkaan ku iftiimiyo, dhaq dhaqaaq maalmahan dambe idaacadaha iyo website-yada wax badan aan kaga hadleen rag hore hogaan uga soo qabtay dalkaan iyo kuwo doorasho madaxtinimo isu soo sharaxaay oo labo usbuuc ka hore afur ay isku wareysanayeen loogu qabto magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Ma xuma in dadku is arko ama is wareysto laakin waxaan aniga runtii u arkaa waqtigaan xaadirka ah loo bahneyn in qal qal la geliyo umadda Soomaaliyeed iyagoo hadeer ka soo kabsanayaa dhibaatooyin 22 sano ku soo jireen, aadna moodid in ay qibrad ka qaateen ha yaraato ama ha badnadeen, haddi wax la dhaliilaayo waxaa wanaagsan inta marka hore hawada la isku marsiin hoos la iskugu dhigo ee waddanka wuxuu ka bad baadaay mustacmarad lala damacsanaa taasi waa in aan Ilaah ugu mahad celinaa.
Markaa walaalayaal waxan u arkaa arinka wanaagsan in Madaxweynahaan la siiyo fursad uu ku guto waajibaadka adag ee horyaalaa, laguna gacan siiyo, wixii hagaaga wax uu Madaxweyne Xasan keligii leeyahaay ma ahan ee wax umaada ka wada dhexeeyo, haddi mucaaradnimo jirta waa arin meesha ku jirta kaalayaa waddanka gudahiisa isku abaabula ee laakin inta hotel la idin seexiyo, afkana kala fura la idin yiraahdo waa wax maanta umadda somaliyeed qaadan karin ee marka hore isku noqda.
Waan la soconaa waxyaabaha ay dowladaani horyaalaan waxa ay fulisaay, mar haddi ciidamada qalabka sida u qortaay mushaar joogto ah waxaa la dhihi karaa waa guul inoo soo iftiintay ee yaan irdaha fursadda la iska xirin.
Aniga waxaan intaasi ku darsan laha ha la siiyo waqti, afar sano waa berito qofkii wax soo kordhin kara soo dhowoow ayaan leenahaay.
Madaxweyne Xasan Sheikh wuu iila muuqdaa nin (Liberal) ah oo wax lala qeybsan kara, qalad wuu dhici karaa ee laakin qalad qalad yaan lagu sixin, sidii 22 sano ee aan soo dhaafnaay. Haddi inta loo tago la yiraahdo waad qaldan ee wax ka bedel siyaasaddada ma filaayo in uu maya ku jawaabaayo, qofka inta aan laga deyrinin ha la tijaabiyo waqtiga ha lagu dhumaayo.
Wa bilaahi towfiiq.
Dagaal Beeleedyada Yaa Ka Dambeya
Marka laga soo tago burburkii dowladdi militeriga aheyd, waxyaabihii laga dhaxlaay ayeey ka mid ahaayeen dagaal beeleedyada, habda siyaabo kala duuwan ha ku imaadeen. Wixii ka dambeeyey 2006 waxaynu soo aragnaay dagaallo ku saleysan diin iyo mabaadii, marnaba laguma fikireynin in dib loogu noqon doono, waxyaabihii laga soo gudbay. Labadii bilood ee la soo dhaafay waxaa Gobolka Shabeelada Hoose ka soo cusboonaday dagaal ku saleysan beel oo runtii ka la oran karo waa wax xaqiiqda ka fog. Marka loo eego beelaha walalaha ah ee ku dagaalmaay Gobolka Shabeelada Hoose mid ka mid ah in ay dalbaneyso in beesha kale iskaga guurto ama la kulmi doonto isir goyn iyo waxii la mid ah. Su'aasha aan rabo in la iiga qanciyo ayaa ah maxaa hadeer keenay in beel la yiraahdo ku laabo meeshii aad ka timid ? Ma arin siyaasadeed baa oo la rabo beesha kale oo beryahaan u soo jeesataay ka shaqeynta ama ka mira dhalinta nabadda iyo taageeridda dawladda maanta ka jirta dalka Soomaaliya. Ama mid lagu raadinaayo in beeshaani dagaal lagu geliyo mar haddi lagu arkaay dhaq dhaqaaq balaaran aay ka wadda caasimadda Muqdisho iyo agagaaraheeda taa aay dadkani daan daansiga wada ay ka xun yihiin, ama maseer la dhaka faarsan yihiin. Jawaabtu intuba waay noqotaa laakin waxaan waano u jeedin lahaa qolyaha maanta is door bidaay xoogaa lacago ama hubkii dawladda ee la doonaayeey in wadanka cadawga loogu difaaco, ku soo fooraariyeey beel aan dhib cidna ku heyn, taasi cawaaqib xumo in aay keento. Maxaa yeelaay beelo hore ka xoog badnaa middaani ayeey isku deyeey arintaasi, markii dambe meel dhexe iskaga soo hareen. War walaalayaal qoriga afkiisa qiiqa ka baxaaya demiya, waddanka waa wadan Soomaali cid walba ka dhexeeyaa meeshaad doontid ka degi kartaa dhulka wuu na qaadaa ee arinta dejiya, dagaal wiil ayaa ku baxo ee wiil kuma dhasho. Qolyaha naarta afuufayoow inta la helaayo biyo lagu demiyo ayeey arintu xal leedahaay ee ka waantooba.
sidaa iyo wasaalaamu calaykum wr wb
Subscribe to:
Posts (Atom)




.jpg)