Thursday, August 1, 2013

Weerarada ku soo kordhay caasimadda Muqdisho oo laga shakisan yahay



Sida inoo muuqata beryahaan dambe waxaa soo kordhay dilalkii qorsheysnaa. taasi oo ay sii dheertahaay baalooyiinkii ku shaqeynaayeey cad-ceedda ayaa la qarxinaa, weerarkii ugu dambeyeey wuxuu dhacaay maanta oo taariikhdu tahaay 08/01/2013 jidka Maka al Mukarama, oo ah meel aay aad amaankeedu u sugayaan ciidamada dowladda.

Jidka sida aad ogsoon tihiin waxaa aad u isticmaalaa madax dawladda, qaraxii ugu horeyeey wuxuu dhacay abaarihii 5:00 subaxnimo ilaah ayaa ka bad-baadiyeey shicibka oo xoogaa dhawac yar yar ay labo qofood ka soo gaareen. Laakin saacado ka dib ayaa waxaa isla dariiqaasi lagu arkay dhowr shey oo ah waxyaabaha qarxa, kuwaas oo markii dambe ciidamada Amison ay ku guuleysteen in aay ka furaan walxaahaasi qarxi ka dibna qarxiyeey si nabad ah.

Su'aasha meesha taala ayaa waxaa ah qalabkaan loo isticmaalaay oo ah qalab ku cusub ee loo adegsado qaraxyada iyadoo lagu dhejieey baaalaha leerka cad-ceeddu lehna bir lab ama (kalamiinto) si fudud ugu dhegeysaa birta, iyo goobta oo ah meel aad iyo aad amaan u ah markaa xoogaa shaki ayaa jira oo ah in aay meeshu  shabaab soo gari garaan oo wax ku dhegin karaan iyo qalabkaa casri cidda siisaay ee waa qalab diyaarsan oo ma ahan sida qaraxyada ay guryaha ku diyaariyaan oo mararka qaar uu iyaga naftooda galaafsado.

Miyeey kula tahaay in rag ka tirsan ciidanka aay gacan ka geystaan fulinta hoowshaasi, mise raggi masu'uuliyiinta ahaa ee kol dhoweyd waayeey jagooyinkii amniga ay haayeen, mise shirkadaha korontada oo iyagu meeshu ka maqneyn oo doonayaa in ay igu shidaan korontada magaalada muqdisho oo dhan.

Haddii aynu tixraacno hadalkii dhowaan ka soo yeeraay guddomiyaha barlamaanka ee Turkiga in ay gacmo shisheeye aan ka marneyn abaabulka al shabaab taasi ma suurto gal baa in afka laga yiraahdo Soomaliya dib u dhis ha lagu sameeyo halka kalena lugooyo (sabotage) lagu haayo horumarka ay ku talabsatay caasimadda Muqdisho.

No comments:

Post a Comment