Wednesday, July 31, 2013

Dawladda Turkiga oo doonayaa in loo gacan geliyo kuwii soo maleegay weerarkii Safaaradooda


Sida aaynu ogsoonahay waxaa maalmaha fodda nagu soo haayaa ku soo wajahan magaalada Muqdisho wafti heer sare oo isugu jira saraakiil amaan, golaha wasiirada ee dalka Turkiga oo ah xaqiiqo raadin sida weerarka u dhacaay iyo cidda soo maleegtaay. Taasi waxay ina tuseysaa in dawladda Turkiga iyo shacabkuba aysan raali aheyn dal iyo dad ay u soo gurmadeen in lagu dhibaateeyo, si taasi aysan mar dambe u dhicin ayeey marka hore rabaan damaanad amniga shaqaalaha gargaarka iyo kuwa safaaradda.

Arinta kale ee ay doonayaan ayaa ah in ay ugaarsadaan kuwii soo maleegaay weerarkaasi meel kasta ay joogaan ugu tagaan si sharciga loo horkeeno, haddi arinkaani sax noqdo waxaa soo dedejin doonta jirintaanka dhagar qabayaasha dhibaatada ku haaya shicibka Soomaliyeed, marka ay arintu noqota in ay boorsooyinkooda ka xir xirtaan intaan loogu imaan meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan.

Sida aad ogsoontihiin dawladda Turkiga waxay ka mid tahay xulufada (NATO) taasi ayaa u sahli doonto in dhinaca wardoonka ay dawlado badan ay isku xulufo yihiin gacan siiyaan sidii loo soo qaban lahaa madaxda nabad diidka loona burburiyo haraadigooda. Marka annaga maxaa inala haboon ka shicib ahaan iyo dawladda ahaan in aan garab istaagno hiil iyo hooba walaalaheena Turkiga inoo soo gurmadaay markii aaynu beerka dhulka ku heynaay abaaro darteed adunka intiisa kalena dhabarka naga sii jeediyeey, dadkani dhagar qabayaasha dagaal afka iyo addinba ku qaadno si heeryahooda la iskaga xureeyo, annagoo ogsoon in aan xaq u leenahay in aan nabad ku noolaano ayaaheena ka tashaano.

No comments:

Post a Comment