Safarka wasiirka arimaha dibedda ee Soomaliya ku tegtay waddanka Shiinaha ayaa la iska weydiinaa su'aalo badan, inkastoo casumaad rasmi ah ka heshay dhigeeda dalka Shiinaha.
Sida wararku lagu helaayo ayaa sheegaaya in ay safarkeeda ku saleysan tahay sidii dawladda Shiinaha u dhameystiri leheyd mashaaricyadii ka wadaay dalka Soomaliya ka hor burburkii dagaalada sokeeye.
Laakin taasi waxaa sii dheer oo meeshu ka maqneyn in dawladda Soomaliya aay weydiisan doonto in Shiinuhu ka qeyb qaataan dib u dhiska iyo sugidda amniga dalka Soomaliya iyo weliba sidii dawladda Shiinaha iyo ganacsatada u maal gashan lahayeen dalka Soomaaliya.
Markaa taasi waxay ka xanajin doontaa dawladaha reer galbeedka ee hadeer loolanka ugu jira sidii mar ay gacanta ugu dhigi lahayeen qeeraadka dalka Soomaliya, oo laga yaabo in ay soo dardar geliyaan loolankooda inta uusan Shiinuhu baroosinta soo dhigan cariga Soomaliya inkastoo qeebo ka mid ah dalka ka fuliyeen mashariic guryeen iyo wixii la mid ah.
Sida aynu ogsoon nahay dawladda Shiinaha in ay maalgelin baahsan ku sameeyeen dalal badan oo Afrika ka mid ah, taasi ay madaxda Afrikaan aad ula dhaceen ka dib markii ay arkeen in Shiinaha uusan faraha la gelin siyaasaddooda gudaha horumarinta dalalkooda qeyb ka qaatay.
Dawladda Soomaliya ayaa ilaa iyo hadeer ku wareersan siyaasadda reer galbeed ee loo kala dhumaanayo sida maamulada gobolka ka jira ee kulamo qarsoodi ku qaata Nairobi, ayaa waxba ka qaban ilaa iyo hadeer in ay dhaliilo soo jeediyaan mooyee marka laga reebo dawladaha Turkiga iyo Japan.
No comments:
Post a Comment