Runtii wax badan ka faaloon maayo waqtigii tegaay, laakin waxaa iigu hubaal ah aan ogsoonaahay idinkuna ka war heysaan in uu yahay nin u soo joogaay xilligii waddanku ku jiraay dhibaatada, dagaalada sokeeye iyo abaaraha.
Aniga runtii aqoon shaqsi uma lihi laakin waa nin ay ka muuqato daacadnimo diyaar u ah in umadda Soomaaliyeed wax u qabto haddi Ebbe la garab galo. Markaa waxaan walaalayaan aan rabaa in aan qoraalkaan ku iftiimiyo, dhaq dhaqaaq maalmahan dambe idaacadaha iyo website-yada wax badan aan kaga hadleen rag hore hogaan uga soo qabtay dalkaan iyo kuwo doorasho madaxtinimo isu soo sharaxaay oo labo usbuuc ka hore afur ay isku wareysanayeen loogu qabto magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Ma xuma in dadku is arko ama is wareysto laakin waxaan aniga runtii u arkaa waqtigaan xaadirka ah loo bahneyn in qal qal la geliyo umadda Soomaaliyeed iyagoo hadeer ka soo kabsanayaa dhibaatooyin 22 sano ku soo jireen, aadna moodid in ay qibrad ka qaateen ha yaraato ama ha badnadeen, haddi wax la dhaliilaayo waxaa wanaagsan inta marka hore hawada la isku marsiin hoos la iskugu dhigo ee waddanka wuxuu ka bad baadaay mustacmarad lala damacsanaa taasi waa in aan Ilaah ugu mahad celinaa.
Markaa walaalayaal waxan u arkaa arinka wanaagsan in Madaxweynahaan la siiyo fursad uu ku guto waajibaadka adag ee horyaalaa, laguna gacan siiyo, wixii hagaaga wax uu Madaxweyne Xasan keligii leeyahaay ma ahan ee wax umaada ka wada dhexeeyo, haddi mucaaradnimo jirta waa arin meesha ku jirta kaalayaa waddanka gudahiisa isku abaabula ee laakin inta hotel la idin seexiyo, afkana kala fura la idin yiraahdo waa wax maanta umadda somaliyeed qaadan karin ee marka hore isku noqda.
Waan la soconaa waxyaabaha ay dowladaani horyaalaan waxa ay fulisaay, mar haddi ciidamada qalabka sida u qortaay mushaar joogto ah waxaa la dhihi karaa waa guul inoo soo iftiintay ee yaan irdaha fursadda la iska xirin.
Aniga waxaan intaasi ku darsan laha ha la siiyo waqti, afar sano waa berito qofkii wax soo kordhin kara soo dhowoow ayaan leenahaay.
Madaxweyne Xasan Sheikh wuu iila muuqdaa nin (Liberal) ah oo wax lala qeybsan kara, qalad wuu dhici karaa ee laakin qalad qalad yaan lagu sixin, sidii 22 sano ee aan soo dhaafnaay. Haddi inta loo tago la yiraahdo waad qaldan ee wax ka bedel siyaasaddada ma filaayo in uu maya ku jawaabaayo, qofka inta aan laga deyrinin ha la tijaabiyo waqtiga ha lagu dhumaayo.
Wa bilaahi towfiiq.
No comments:
Post a Comment