Monday, September 9, 2013

China oo baroosinka soo dhigaatay


Maxaa xigi doonaa heshiiskaani ka dib, mar haddi ay maanta magaalada Muqdisho yimaadeen safiirka China u fadhiya magaalada Nairoobi, sidoo kale aynu ognahay in wasiirka arimaha dibedda Soomaliya safar ku tegtay bishii hore waddanka China. Intee ayuu la ekaan doonaa xiriirka labada dal, miyuu u la mid noqon doonaa sida dawladii hore ee Soomalia ee hogaanka u haayeey marxuun Maxamed Siyaad Barre.

Mise way gaabsan doonaan iyagoo isha ku hayn doonaa sida reer galbeedku ay ka damacsan yihiin Soomalia. Hadaynu isku deyno in su'aalahaani oo dhan ka jawaabo anigoo soo koobaayo inta aan aqoonta u leeyahaay, waxaa jirta in dawladda China iyo Soomalia uu ka dhexeeyeey xiriir dheer oo  qoto dheer leh soona maraay heerar kala duuwan iyo China oo aad u daneysaa Afrika iyo qeyraadka Ilaah ku maneystaay, maxaa waxaan u arkaa in China aysan cidna ugu heybesaneyn in Soomaliya ay gacanta la soo gasho ha noqota dib u dhiska iyo shidaal baarista.

Laakin taasi oo ay ka careysiin doonto dawladaha la isku yiraahdo beesha caalanka oo lugooyo ku filan ku hayaa somaaliya 23 sano ugu dambeyey iyagoo mar walba marxalad soo gaarsiiyeey, haddani taasi China ku noqon meyso niyad jab maxaa yeelaay dhoor wadan Afrikan sidaan oo kale reer Galbeedku u dhibaateeyeen ayuu ka dul qaaday dulligii ay ku jireen isagoo baroosin soo dhigtay.

Markaa tani waa la mid China baroosin ayeey soo dhigatay magaalada Muqdisho mar haddi Guddoomiye Tarsan ugu deqaay dhul ay ka dhigtaan safaarad micnaheedu waxa waye waan soo degnaay ee reer galbeed candhuufadiina dib u liqa.